Massimiliano Allegri oo saadaaliyay xidiga ku guuleysan kara Abaal marinta Ballon d’Or.

Tababaraha  kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa u arka in laacibkiisa Cristiano Ronaldo uu u qalmo ku guuleysiga abaal marinta Ballon d’Or sanadkan 2018.

Cristiano Ronaldo ayaa xili ciyaareedkii lasoo dhaafay qaab ciyaareed cajiib ah lasoo qaatay kooxdiisii hore ee Real Madrid, kadib markii uu kusoo hogaamiyay ku guuleysiga markii saddexaad xiriir ah tartanka UEFA Champions League.

Massimiliano Allegri ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay fikirkiisa kaga aadan in Cristiano Ronaldo uu u qalmo ku guuleysiga abaal marinta Ballon d’Or wuxuuna yiri”.

“Cristiano Ronlado wuxuu u qalmaa inuu ku guuleysto Ballon d’Or, sababtoo ah wax walba  ayuu sameeyay, wuxuu dhaliyay goolal badan, sidoo kale wuxuu ku guuleestay koobab”.

“Waxa uu sameenayo xili ciyaareedkan, wuxuu naga dhigay heer kale, sababa la xiriira qibrada weyn uu xambaarsan yahay, wuxuu dhiiragalin weyn u yahay inaan ku guuleysano dhamaan u jeedooyinkeena xili ciyaareedkan” ayuu yiri Allegri.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Antonio Conte oo ugu dambeyn iska diiday shaqada Real Madrid.

Read Next

Daafac soomaray Barcelona oo ku dhaw inuu ku biro Real Madrid, Waa kee?