Kulan gaar ah oo laga yeeshay Amniga magaalada Laascaanood

Saraakiisha Amniga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedka Waqooyi Bari ayaa maanta yeeshay kulan looga hadlay xaqiijinta Amniga guud ee magaalada Laascaanood oo la qorsheynayo in maalmaha soo socda ay gaaraan Madax sare oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.

Kulanka ayaa waxaa guddoomiyay Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), waxaana ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi iyo saraakiil kale.

Shirkaan ayaa looga hadlay amniga iyo diyaargarowga munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa, iyadoo la isla qaatay qorshayaal lagu xaqiijinayo amni buuxa inta ay munaasabadda socoto.

Laascaanood ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka duwan oo ka kala tirsan Dowladda Federaalka, Maamul goboleedyada qaar iyo askar is xilqaamay, kuwaasi oo xaqiijinaya amniga guud.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Trump oo ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u soo diray Geeska Afrika

Read Next

Mareykanka oo daad gureynaya qaar kamid ah askartiisa ku sugan saldhiga ugu weyn ee uu ku leeyahay Bariga Dhexe