Trump oo ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u soo diray Geeska Afrika

Ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Christopher Landau ayaa isku diyaarinaya safar uu ku marayo Geeska Afrika, waxa uu tagayaa dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti sida lagu sheegay xogta socdaalkiisa.

Christopher ayaa lagu wadaa in marka uu tago Itoobiya iyo Jabuuti in uu la kulmo Madaxda dalalkaas, si dhab ah looma shaacin waxa uu kala hadlayo & waxa kusoo beegay safarkiisa Geeska Afrika oo Mowjado siyaasadeed dhexda uga jira.

Maraykanka ayaa xiriir wanaagsan la leh dalalka deriska ah ee Kenya, Itoobiya & Jabuuti oo dhowaan ay kulmeen hoggaankooda sare sida Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyaga oo kawada hadlay xaalada ku cusub Bariga Afrika.

Image
Ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Christopher Landau

Inta badan Maraykanka ma bixiyo warbixinno hordhac ah oo ku saabsan safarka mas’uuliyiintiisa ay ku tagayaan Dalalka kala duwan ee Caalamka, waa tan keentay in aan sawir toos ah laga bixin Karin waxa ay kawada hadlayaan.

Socdaalka ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Christopher Landau ee geeska Afrika ayaa ku soo beegmaya xilli ay Israa’iil ay ku dhawaaqday in ay aqoonsatay Somaliland.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa si cad uga horyimid aqoonsiga Israa’iil, isaga oo ku biiray dalalka caalamka ee sida cad uga horyimid xadgudubka midnimada Soomaaliya.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Muxuu daaran yahay Safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ee Isutagga Imaaraatka Carabta?

Read Next

Kulan gaar ah oo laga yeeshay Amniga magaalada Laascaanood