Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaa maalmihii u dambeeyay laga dareemayay dhaqdhaqaaqa dhinaca hawada ah, kaas oo ciidanka Imaaradka Carabta kula baxayaan qalabkooda Militeriga.
Warbixin ay daabacday Majada Middle East Eye, ugu yaraan lix diyaaradood oo nooca xamuulka ah (IL-76) ayaa maalin kasta ku soo laablaabanayay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.
Diyaaradahan ayaa lagu soo warramayaa inay qaadayeen qalab ciidan iyo saraakiil ka tirsan dhinaca ammaanka ee Imaaraadka Carabta.
Golaha Wasiirrada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay go’aan ku gaarey in dhammaan la buriyo heshiisyada dhinaca amniga, difaaca iyo horumarinta,
Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in Boosaaso u isticmaali jiray marinka hubka iyo saadka loo raro kooxda RSF ee ka dagaallanta dalka Suudaan.
Ilaa hadda, ma jiro hadal rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Puntland ama dowladda Imaaraadka oo ku saabsan bixitaankan ciidanka Imaaradka iyo qalabkooda.
Mustaqbal
