Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka
Hirshabelle, ayaa amrkii u horeysay soo fara gelisay xiisadii ka taagneyd magaalada Baladweyn, taasoo ka dhalatay xil ka qaadis iyo xarig lagu sameeyay Masuuliyiin ka tirsanaa maamulka magaalada.
Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilka ka qaaday Duqii magaalada Beledweyne, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.
Duqa magaalada Cali C/Qaadir Faarax, ayaa dhowaan iska diiday shaqo joojin uu ku sameeyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, isagoo sheegay in Wasaarada arrimaha gudaha oo kaliya xil ka qaadis ama shaqa ka joojin ku sameyn karta.
Warqada ka soo baxday Wasiir Caadle, ayaa ku xusan in xil ka qaadista la xiriirto xil gudasho la’aan iyo amar diido.
Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle ayaa Duqa cusub ee magaalada Beledweyne u magacaabay Khadar Xasan Afrax, wuxuuna amar ku bixiyay in si dhaw loola shaqeeyo Duqa cusub.
