Dhageyso: Mustafa Cagjar oo sheegay in dad loo qabtay rabshado ka dhacay Jigjiga

Madaxweynaha Ismaamulka Somalida Mustafa Maxamed Cagjar ayaa sheegay in guddi baara loo saaray rabshadihii Arabacadii ina dhaaftay ka dhacay magaaalada Jigjiga.

Rabshadahan ayaa waxa ay ka dambeeyeen kadib markii ay isku dhaceen Qowmiyadda Somalida iyo Qowmiyadaha kale ee degan dhulka dowlad deegaanka.

Rabshadahaasi oo ciidamada ay soo farageliyeen ciidamada ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaaaac.

Mustafa Csgjar ayaa sheegay in dad badan loo qabtay rabshadahan, islamarkaana laga war sugayo guddiga loo saaray natiijada ay soo saaraan.

“Rabshadahan waxaan u saarnay guddi soo baara, cidii lug ku yeelata talaabo ayaanu ka qaadi doonaa, uma dul qaadan doono in la daadiyo dhiigga shacabka”. ayuu yiri madaxweyne Mustafa Cagjar.

Xaalada magaalada Jigjiga ayaa saakay degan kadib rabshadihii Arbacadii ka dhacay magaaladaasi, waxaana dib u bilawday isu socodka dadweynaha.

Halkan ka dhageyso Codka Madaxweyne Cagjar:

Mustaqbal media

Read Previous

Dagaal xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Read Next

Wasiir Caadle oo xil kii ka qaaday duqa magaalada Baladweyn.