Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ayaa maanta Magaalada Nairobi kula kulmay dhiggiisa dalkaas.
Koofi ayaa u tagay Nairobi si loo xalliyo dhallinyaro Soomaali ah oo 21kii Bishan lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee JKIA.
Dhallinyaradaas ayaa lagu eedeeyay in ay wateen Dukumiintiyo aan sax ahayn,kuwaas oo markii dambe dalka dib loogu soo celiyay.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa waxaa uu dhawaan sheegay in Mr Koofi uu dhiggiisa Kenya kala hadli doono 17ka qof ee Soomaalida ah ee lagu soo celiyay Muqdisho.
