Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?
Dowladda Maraykanka ayaa diyaarisay ciidamo tagaya Magaalada Gaza si ay qayb u noqdaan ciidamadii horay loogu ballamay in ay ilaaliyaan nabadgalyada Magaaladaas isla markaana dhaqangeliyaan xabbad-joojinta Xamaas iyo Israa’iil.
Magaca Sarkaalka hoggaaminaya ciidankaan oo si toos ah Waaxda Difaaca Maraykanka shaacin ayaa haddana Warbaahinta Madaxa bannaan waxa ay heshay xogta sarkaalkaan iyada oo la eegayo khibradda uu u yeelanay howlgalkaan oo kale.
Jeneraal Jasper Jeffers oo ka tirsan taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka kana soo howlgalay Dalalka Afgaanistaan, Ciraaq & Suuriya, waxa uu hoggaanka u qabanayaa ciidamada ka socda dalkiisa sida laga soo xigtay Aljazeera & Axios.
Donald Trump oo doonaya in uu duugo ceebka Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu kala kulmay dagaalkii waqtiga dheer ka socday Magaalada Gaza maadaama uu ku guuldaraystay ballanqaadkiisii ahaa soo furashada Maxaabiista markii dambe wadahadalka lagu daayay.
Mustaqbal
