Farmaajo: “Dowlad Goboleedyada waxaa ay isku dayayaan in ay gacan dhaafaan dowladda dhexe”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu dhaliilay habka ay u dhaqmayaan Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada.

Isaga oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jubba la hadlayay ayuu sheegay in dowlad Goboleedyada ay faraha kula jiraan siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sheegay in dowlad Goboleedyada ay shaqadooda  caddahay islamarkaana ku saabsantahay horumarinta adeegyada degaannada ay madaxda ka yihiin sida Waxbarashada,Caafimaadka iyo wixii la mid ah.

Waxaa uu intaas ku daray in Madaxda dowlad Goboleedyada ay doonayaan in ay la kulmaan madaxweynayayaasha iyo ra’isalwasaarayaasha Caalamka.

Mar uu si gaar ah arrintaas uga hadlayay waxaa uu yiri “Madaxda dowlad Goboleedyada waxaa ay rabaan in ay la kulmaan madaxda Caalamka, Salvakiir ayey rabaan in ay la kulmaan, maxaa kala dhaxeyn kara Salvakiir”.

 

Mustaqbal media

Read Previous

UN asks Canada to resettle more refugees displaced in Horn of Africa

Read Next

Kenyan Al Shabaab fighters used as sacrificial lambs, returnee says