Koox hubaysan oo Nin da’ ah ku dishay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud

Koox aan haybtooda la garan isla markaana hubaysnayd ayaa Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ee Dowlad-Goboleedka Galmudug ku dishay Allaha u naxariiste Cabdi Ciise Qooleey oo ahaa nin da’ ah.

Dilka kaddib, waxaa goobta ka baxsatay kooxdii dilkaas u gaysatay Cabdi Qooleey, waxaana goobta gaaray mas’uuliyiin katirsan Maamulka Degmada iyo xubno kamid ah qoyska Marxuumka sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

Laamaha ammaanka Magaalada Caabudwaaq oo kaashanaya Odoyaasha dhaqanka ayaa ku raad-jooga soo qabashada Maleeshiyadii dilka gaysatay in laga hortago colaad salkeedu noqoto dilkaas loo gaystay Ninka da’da ah.

Dilalka la xiriira aanooyinka ayaa muddooyinkii dambe ka dhacayay qaybo kala duwan oo Gobollada Dalka ah, Hay’adaha amniga ee Federaal & kuwa Dowlad-Goboleed ayaa iska kaashaday soo qabashada qaar kamid ah Dadkaas.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Deegaanno katirsan Gobolka Nugaal oo abaar darteed looga barakacay

Read Next

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo u geeriyootay muuqaallo TikTok ah oo ay isaga duubayeen waddooyinka Nairobi