Nigeria oo ilaalo gaar ah u samaysay Iskuullada laga afduubto Ardayda

Dowladda Nigeria ayaa ilaalo katirsan Booliiskeeda u samaysay kahortagga Afduubka Ardayda si aanay uga welwelin amnigooda sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan hay’adaha ammaanka Dalkaas oo Warbaahinta xogtaan la wadaagay.

Ciidamadaan ayaa aad u hubaysan, waxa ay wataan Gaadiid gaar ah, waxa ay sidoo kale Askartu la soconaysaa dhaqdhaqaaqa xubnaha looga shakiyo in ay abaabulayaan afduubka ama beegsiga ka dhanka ah Ardayda.

Nigeria waxa ay sanadihii lasoo dhaafay diiwaanka ku gashay afduubka Ardayda, Kooxo hubaysan ayaa taga Iskuullada ku yaalla Tuulooyinka iyaga oo halkaas ka dareeriya una kaxaysta meelo ilaa haatan aan la ogaan.

Dalkaan dhaca waqooyiga qaaradda Afrika ee Nigeria ayaa dhibbane u ah afduubka Ardayda u badan Haweenka oo qaarkood sanado ku maqan gacanta kooxihii qafaashay, waxa ay taasi keentay in loo baahdo ciidamo iyo qorshooyin cusub.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dood sharci ah oo ka dhalatay go’aanka Trump uu ku beegsaday Duqaymo amarkiisa looga fuliyay Veneuela

Read Next

Deegaanno katirsan Gobolka Nugaal oo abaar darteed looga barakacay