Dood sharci ah oo ka dhalatay go’aanka Trump uu ku beegsaday Duqaymo amarkiisa looga fuliyay Veneuela

Sharci-dejiyeyaasha Maraykanka ayaa cadaadis xooggan saaraya madaxweynaha Maraykanka Donald Trump si maamulkiisa uu faah-faahin uga bixiyo duqaymaha Militari ee lagu beegsaday Dalka Venezuela, kaddib markii Washington ay ku doodday in daroogo badan ay halkaas kasoo gashay.

Guddiga Jamhuuriga ee Maamula Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa difaac kala hortagay culayska la saarayo Maamulka Madaxweyne Donald Trump, waxa uu intaas ku daray in uu faah-faahin ka bixin doonno marka xog-baaristiisa uu soo dhammaysto sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay.

Wargayska The Washington Post ayaa sheegay in weerarrada Ciidamada Maraykanka ee Venezuela gaar ahaan mid dhacay 2dii September oo labo qof oo keliya ay ka badbaadeen sida lagu xusay Warbixinta, waxaana wadarta dhimashada diiwaangashan lagu sheegay in ay kor u dhaafayso 80 qof.

Venezuela ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay kahortagga duullaanka Maraykanka uu qorsheynayo maadaama ciidamo badan uu gobolka kusii daad-guraynayo, waxaa ka horreeyay warbixinno kale oo lagu sheegay Sirdoonka Maraykanka uu beegsanayo Madaxweynaha Dalkaas Nicolas Maduro.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Wafdi ka socda DFS oo u safray dalka Masar

Read Next

Nigeria oo ilaalo gaar ah u samaysay Iskuullada laga afduubto Ardayda