Dalalka ku deeqaya Ciidanka ilaalinaya heshiiska Ruushka & Ukraine oo shiraya

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegya in 25ka Nofeembar oo ku beegan Talaadada todobaadkaan ay kulmayaan Madaxda dalalka doonaya in ay ciidamo dhex geeyaan deegaannada ay ku dagaalamayaan Ruushka & Ukraine.

Macron ayaa tilmaamay in heshiiska Maraykanka uu wado dedaallo dheeraad ah oo lagu soo afjarayo colaadda kala dhaxaysa Ruushka, maadaama Donald Trump uu si cad ugu sheegay Zelensky in uu aqbalo qodobada heshiiska ku xusan oo ah in uu ka tanaasulayo dhul muhiim ah.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa meel ku dhig ku noqday in qayb kamid ah dhulkiisa uu qaato Ruushka oo markii horayba ugu soo duullaay helista dhulkaas wallow ay jiraan warar soo baxaya oo sheegaya in uu dabac ka samayn doonno qodobada qaar.

Mas’uuliyiin kala duwan ayaa ku warramay in Ruushka uu doonayo sidii uu meesha uga saari lahaa damaca Ukraine ee ah in ay xubin ka noqoto Isbahaysiga NATO oo haddii ay ku biirto ay heleyso garab badan oo ah dalalka Isbahaysigaas ku jira.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa tilmaamay in Midowga Yurub, NATO iyo xubno kala duwan oo ururro caalami ah ay diyaar u yihiin soo dhaweynta heshiiska dhabbaha kusoo jira isla markaana ay isku diyaarinayaan sidii ay ciidamo ugu diri lahaayeen Ukraine.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

DG Puntland oo sheegtay in duqayn ka dhacday Gobolka Bari lagu dilay saraakiil katirsan Daacish  

Read Next

Wasiirka Maaliyadda XFS oo sheegay in dakhliga gudaha uu kordhay 80%