MW Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Garsooraha ugu fiican Kubadda Cagta Afrika ee 2025

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Garsooraha ugu fiican Afrika ee sanadkaan 2025, Cumar Cabdulqaadir Cartan, waxa uu uga mahadceliyay guusha uu usoo hoyiyay Dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Garsooraha Kubadda Cagta ee sanadkaan ugu wanaagsan in uu Cumar Cartan ku noqday howlihii adkaa uu qabtay, waxa uu ku dhiirrageliyay in uu halkiisa kasii adkeeyo shaqada uu hayo.

May be an image of the Oval Office

Garsoore Cartan waxaa kulankaan ku wehliyay Wasiirka Cayaaraha & Dhallinyarada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Madaxtooyada Qaranka.

May be an image of dais

Xiriirka Kubadda Cagta ee Afrika loona soo gaabiyo CAF ayaa Cumar Cabdulqaadir Cartan dhowaan guddoonsiiyay Garsoorihii ugu wanaagsanaa sanadkaan 2025, kaddib markii uu si wacan u garsooray kulamo loo dhiibay in uu garsooro.

May be an image of soccer

Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhankiisa sheegay in maamuuska uu u sameeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhiirragelinayo in uu sii wado dedaallada ku aaddan in uu Soomaaliya ku metalo Caalamka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Madaxweynihii hore ee Brazil oo xabsi la dhigay

Read Next

DG Puntland oo sheegtay in duqayn ka dhacday Gobolka Bari lagu dilay saraakiil katirsan Daacish