Diyaaradaha Maraykanka oo duqeymo ka fuliyay Gobolka Bari

Diyaaradaha Maraykanka ee Duulliye la’aanta ah (Drones) ayaa duqaymo ka fuliyay deegaanno katirsan Gobolka Bari Dowlad-Goboleedka Puntland oo saldhigyo u ah Daacish sida wararka la helayo ay sheegayaan.

Duqaymaha ayaa dhowr jeer lagu dhuftay goobo difaacyo ay ku leeyihiin Daacish isla markaana ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Difaaca Dowlad-Goboleedka Puntland sida ay ku warrameen saraakiil katirsan ciidamadaas.

Maraykanka gaar ahaan Taliska u qaabilsan howlgallada duqaymaha aha ee AFRICOM weli ma jiro war uu kasoo saaray, sidoo kale Dowlad-Goboleedka Puntland ma sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaas iyo xubnaha sida gaar ah loo beegsaday.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dowladda Soomaaliya oo soo kordhisay nidaam casri ah oo lagu oggaan karo Markaakiibta imaanaya Dekadaha dalka.

Read Next

Trump oo waxba kama jiraan ka dhigay natiijo sirdoonkiisa uu soosaaray sanadkii 2021