Madaxweynaha Suuriya oo la kulmaya dhiggiisa Maraykanka Donald Trump

Madaxweynaha Suuriya Axmed Al-Sharca oo ku sugan Maraykanka ayaa lagu wadaa in uu la kulmo dhiggiisa Donald Trump berri oo ah 10ka Nofeembar si ay uga wada hadlaan xiriirka labada Dal, danaha iyo wadashaqaynta sida ay ku warrameen ilo ku dhow kulankaas.

Axmed Al-Sharca ayaa Maraykanka ka billaabay kulamo uu si hordhac ah ula qaadanayo mas’uuliyiin kala duwan, kubadda kollayga ayuu la dheelay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe CENTCOM, Admiral Brad Cooper iyo Taliyaha guud ee isbahaysiga ka dhanka ah Daacish, Brig. Gen. Kevin Lambert.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya, Asaad Hassan al-Shaibani ayaa lagu wadaa in uu la kulmo dhiggiisa Maraykanka Marco Rubio si ay u kala saxiixdaan heshiisyo wadashaqayn oo dhexmara labada Dowladood si ay meesha uga saaraan kala fogayntii u dhaxeysay.

Fadhigaan waxa uu qabsoomayaa iyada oo 7dii Bishaan Madaxweynaha Suuriya laga qaaday cunaqabatayntii iyo liiska ‘Argagixisada’ ee horay loo geliyay, waxaa xigay in uu ku dhawaaqay in dagaal ka dhan ah kooxda Daacish ee dalkiisa ku sugan.

Al-Sharca waa Madaxweynihii ugu horreeyay ee Taariikhda Suuriya ee tagay Maraykanka tan iyo markii dalkaas uu xorriyadda qaatay 1946, waxa uu raadinayaa kaalmo lagu xoojinayo dib u dhiska Dalkiisa oo muddo 13 sano colaaddo ka jiray ay burburiyeen.

Warbixin kasoo baxday Bangiga Adduunka ayaa lagu sheegay in qiyaasta lacagta dib loogu dhisayo Suuriya in ay gaarayso $216 Bilyan oo doollar, waxaa socda olole xooggan oo Dowladda Suuriya hoggaaminayso oo Si iskaa wax u qabso lagu dhisayo.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo la horgeeyay Askar ku eedeysan dhac & dhaawac ay gaysteen

Read Next

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku baaqday in shuruud la’aan la joojiyo Dilalka la xiriira Aanooyinka