Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Waxaa magaalada Newyork ee dalka Mareykanka ka socda Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ay ka qeyb galayaan hoggaamiyeyaasha Caalamka.
Wafdi sare oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka qeyb galaya shirkaan oo diirada lagu saarayo ajandeyaasha caalami ah, sida xallinta mushkiladaha ka jira dunida.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa qorshaha yahay inuu khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyo shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa ka hadli doono arrimaha ay ka mid yihiin dagaalka AS, kaalinta ciidamada qalabka sida iyo howlgalka AUSSOM oo u baahan taageero Caalami ah.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la filayaa inuu ka hadlo dib u dhiska dalka iyo arrimaha doorashooyinka, xilli dalka u diyaar garoobayo doorasho dadweyne oo golaha deegaanka ah.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Madaxweynaha wuxuu soo bandhigi doona dib u habaynta dhaqaalaha, dowlad-dhiska iyo hirgelinta doorashooyinka tooska ah”
Dhanka kale, Shirkaan ka socda magaalada Newyork ayaa waxaa sannadkan hareeyay doodaha la xiriira aqoonsiga Falastiin, iyadoo Dalal badan ay u ololeynaya in la ballaariyo qorshahaasi si xal looga gaaro dhibaatada ka taagan magaalada Qasa.
Mustaqbal
