Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo
Ciidamo katirsan kuwa ilaalada Xeebaha Soomaaliya ayaa dhoollatus gaar ah la sameeyay ciidan katirsan kuwa Midowga Yurub ee Atalanta iyada oo bandhiggaas lagu muujiyay awoodda Ciidanka Soomaalida u leeyihiin fulinta howlgallada gaarka ah.

Inta uu dhoollatuskaan socday waxaa ciidanka la tusiyay qaabka loo qabto Dadka kusoo xadgudba biyaha Dalkooda, waxaa sidoo kale la hubiyay awoodda ay u leeyihiin sidii loo fulin lahaa howlgallada culus ee dhinaca Maraakiibta.

Howlgalka Midowga Yurub ee Biyaha Soomaaliya ayaa bogaadiyay Ciidankaan waajibkoodu yahay ilaalinta Xeebaha Dalka, waxaana uu qiray in ay wax ka qaban karaan dambiyada ka dhaca dhinaca biyaha Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka gacansiiya tababarka iyo dhoollatuska ciidamada ilaalada Xeebaha Dalka si ay uga hortagaan halis weliba oo ka imaan karta kooxaha burcad badeeda ee afduubata Maraakiibta iyo dambi weliba oo halkaas ka dhici kara.
Mustaqbal
