Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Ciyaaryahanka Kooxda Kubadda Cagta Paris Saint-Germain PSG & Xulka Qaranka Faransiiska Ousmane Dembele ayaa xalay ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or isaga oo ku garaacay Da’yarka Barcelona iyo Spain ee Yamine Yamal.
Dembele oo aad afka loogu hayay in uu ku guulaysan karo abaalmarintaan ayaa Kooxdiisa u suuragaliyay Koobka Qaaradda Yurub ee UEFA CHAMPIONS LEAGUE Bishii May sanadkaan 2025 kaddib wacdaro cajiib ah uu soo bandhigay.
Ousmane ayaa ku biiray liiska shan ciyaaryahan oo dhalasho wadaag ku yihiin Faransiiska oo sidaan oo kale ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or waxaana ay kala yihiin Raymond Kopa, Platini, Jean-Pierre Papin, Zinedine Zidane & Karim Benzema.
Markii magaciisa lagu dhawaaqay waxa uu wajiga ku daboolay gacmihiisa isaga oo lama filaan ku noqotay in uu gaaro abaalmarintaan, waxa uu u mahadceliyay Kooxdiisii hore ee Barcelona, waxa uu sabarsiiyay Ciyaaryahankii uu ka guulaystay ee Yamal.

Waxa uu amaan la dul istaagay Macallinkiisa Naadiga PSG waa Luis Enrique, waxa uu ku tilmaamay ninka u suurageliyay riyadaan uu xalay gaaray maadaama uu kooxdiisa gacanta u geliyay Koobkii ugu horreeyay ee Horyaalka Qaaradda Yurub.
Mustaqbal
