Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay hirgalinta Barnaamijka E-visa ee maalmihii la soo dhaafay bulshada hadal haysay.
Khudbad uu jeediyay Madaxweynaha ayuu ku xusay in dalka u socdo Dijital, isla markaasna is badal lagu sameeyay adeegyo kala duwan oo ay dowladda Federaalka hore u bixin jirtay.
“Baasaboorka Soomaaliga adiga oo Fiiso heysan dal kale kuma gali kartid, sidaasi si lamid ah ayaa qof Ajanabi ah ama dhalasho ahaan Soomaali ah u imaan karin gudaha dalkeena isagoo aan wado Fiiso” ayuu yiri Madaxweynaha.
Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli 1 bishaan September dalka laga dhaqan galiyay barnaamijka E-visa oo shuruud dadka Ajanabiga uga dhigaya in ay dalka kaliya ku soo gali karaan dal ku galka Soomaaliya.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo dhammeystiri lahaa Dastuurka oo gundhig u ah doodaha siyaasiga ah iyo isku dhacyada yimaada.
Mustaqbal
