Sacuudiga iyo Pakistan oo wada saxiixday heshiis dhinaca Difaaca ah

Dowladda Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa kala saxeexday heshiis cusub oo dhanka amniga ah, kaas oo lagu sheegay in uu ka tarjumayo go’aanka labada dal ee ku aaddan xoojinta iskaashiga difaaca iyo ilaalinta nabadda gobolka iyo caalamkaba.

War-saxaafadeed ay soo saartay wakaaladda wararka Sacuudiga (SPA) ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu ku saabsan yahay horumarinta dhinacyada iskaashiga difaaca, iyo sidoo kale in labada waddan ay iska kaashan doonaan hanjabaad kasta oo ka dhan ah midkood.

Heshiiska ayaa si cad u qeexaya in “weerar kasta oo lagu qaado mid ka mid ah labada dal loo aqoonsan doono weerar lagu qaaday labada waddanba.”

Pakistan ayaa ah dal leh hubka Nukliyeerka, halka Sacuudiga uu kamid yahay dalalka Bariga Dhexe ee walaaca ka muujiyay weerarada ISRL.

Mustaqbal

 

MM Staff

Read Previous

Madaxweyne Xasan Shiikh “Qof Ajanabi oo aan Fiiso wadan dalka ma soo gali karo”

Read Next

Ra’iisul wasaare Xamse “Jubbaland ayaa dhawaan ka billaabeyna Diiwaan galinta dadweynaha ee Doorashada”