Donald Trump & Xi Jinping oo kawada hadlaya Mustaqbalka aaladda TikTok ee Dalka Maraykanka

Mas’uuliyiin katirsan Dowladaha Maraykanka iyo Shiinaha ayaa heshiis hordhaca ah ka gaaray Aaladda TikTok oo dalkaas mar looga mamnuucay shuruudaha adag ee Xukuumadda Beijing ku fasaxday shirkaddaan oo Washington dhibsatay.

Wufuudda Washington iyo Beijing ka kala socotay ayaa gogol-xaar u ahaa kulan teleefan ah oo Jimcaha la filayo in uu dhexmaro Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping & Dhiggiisa Donald Trump si ay uga xaajoodaan arrintaan sida hordhaca ah looga heshiiyay.

Dadka Maraykanka ee isticmaala ama adeegsada Barta TikTok waxa ay tiro ahaan gaarayaan 170 Milyan oo ruux waa kala bar Bulshada Dalkaas, waxa ay ka sameeyaan dhaqaale badan oo Xukuumadda Washington doonayso in ay farageliso.

Kulan Magaalada Madrid ee Xarunta Dalka Spain ku dhexmaray wakiillada ka kala socotay Maraykanka & Shiinaha waxaa aad looga dooday xogta la xiriirta in macluumaadka Shaqsiga shirkaddaan TikTok awood u siinayso in Dowladdooda la wadaagto.

Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka Scott Bessent ayaa sheegay in uu soo dhammaaday waqtigii barta TikTok ay carqaladaynaysay Dalkiisa, waxa uu ka gaabsan in uu faah-faahin dheeraad ah ka bixiyo waxyaabaha gaarka ah ee miiska wadahadalka lagu gaaray.

Celcelis bishii waxaa aaladda TikTok isticmaala bil weliba guud ahaan Caalamka dad gaaraya 1.5 Bilyan oo ruux, waxa ay tani muujinaysaa sida ay ugu xiran yihiin dad badan oo dunida daafaheeda kala duwan ku kala nool.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maxaa hortaagan in Soomaaliya lacag loo daabaco?

Read Next

Koox hubaysan oo Gaalkacyo ku dishay Ganacsade Siyaad Cali Xirsi