Daadad & Dhul go’ ku dhuftay Suudaan oo galaaftay nolosha in ka badan 1,000 qof

Gobolka Daarfuur ee dhaca Galbeedka Suudaan waxaa ka dhacay masiibo ka dhalatay roob mahiigaan ah iyo dhul go’ dhinac socday oo galaaftay nolosha in ka badan 1,000 ruux oo degenaa deegaanka lagu magacaabo Tarasin.

Buuraha Marra oo roob xooggan ka da’ay waxaa daadadkii ka dhashay ay ku hooreen Tuuladaas oo ay ku noolaayeen dad dhibaatadu gaartay, qof ka badbaaday mashaqadaas ayaa sheegay in isu socodka Dadka uu go’ay taasina ay dhalisay khasaaraha xooggan.

Dhibaatadaan waxa ay dhacday Axaddii, waxaa la baahiyay galinkii dambe Isniinta maadaama xogta laga heli karo halkaas ay aad u xadidan tahay sabab la xiriirta kooxda gacanta ku haysa oo dahaartay dhaqdhaqaaqa weliba oo bannaanka usoo bixi kara.

Kooxda u dhaqdhaqaaqa xorriyadda Suudaan ee SLM ayaa bayaan ay mar dambe soosaartay waxa ay ku faah-faahisay khasaarahaan, waxa ay intaas ku dartay in dadka jirkooda la helay ay ku jireen Carruur & kuwo da’ ah.

Dalala badan oo dhaca Qaaradda Aasiya waxaa ku dhuftay Dhul gariir, Daadad iyo dhul go’ waqti aan kala fogayn dhacay, Suudaan waa dalka keliya ee Afrika ilaa haatan la diiwaangeliyay in arrintaan ka dhalatay isbaddelka Cimillada ay saamayn taban ku reebeen.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Biljamka “Dowladda Falastiin waan aqoonsanaynaa halka Israa’iil aan cunaqabatayn saari doonno”

Read Next

Garsoore Cumar Cartan “Waa in la helo qalab Caafimaad & Dhaqaatiir Khibrad fiican u leh dhaawac waliba oo halis ah oo qof u naf bixi karo”