DFS oo shaacisay in Gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn u aqoonsan tahay DG Waqooyi Bari.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in si rasmi ah loo soo gebogabeeyay dhismaha Dowlad Goboleedka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya, taas oo noqotay xubintii ugu dambeysay ee ku soo biirta Dowlad Goboleedyada Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Maamulka Waqooyi Bari ka kooban yahay gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Dhismaha maamulkan cusub ayaa ku yimid dadaallo laba sano socday oo ay hoggaaminayeen bulshada dega gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaas oo markii hore ku meel gaar u sameystay maamulka SSC-Khaatumo bishii Agoosto 2023. Mudadaas waxaa la qabtay wadatashiyo ballaaran, qoro-dastuur iyo shirar lagu dhisayay kalsooni, taas oo gogol xaar u noqotay maanta la gaaro dowlad rasmi ah” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.

Hoos ka akhri war-saxaafadeed ku qoran Luuqada Ingiriiska

May be an image of text

May be an illustration of text

Mustaqbal

 

 

MM Staff

Read Previous

Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo Safiirka Itoobiya?

Read Next

Xubnaha Mucaaradka oo eedeyay Dowladda Federaalka