Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo sheegay in uu dib u dhisayo Buundada Bariire

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Najax

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay in uu maamulkiisa ka shaqeynayo dib u dhiska Buundada Bariire oo muhiim u ah isu socodkeeda kaddib markii Ciidamada Federaalka & Kuwa AUSSOM ay ka qabsadeen AS.

Ibraahim Najax ayaa sheegay in howlgallada ka socda Gobolka Shabeelaha Hoose ay dhinac socdaan fulinta adeegyada Bulshada muhiimka u ah, maamulkiisa ayuu tilmaamay in uu xoogga saarayo sidii loo heli lahaa waxyaabaha Dadka u baahan yihiin.

“Waxa aan u taaganahay in aan ka shaqeyno dib usoo celinta adeegyada Bulshada, waxaan dib u dhiseynaa Buuntada Bariire, Geesiyaasha Soomaaliyeed waxa aan ku bogaadineynaa in ay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah AS” Ibraahim Najax, Guddoomiyaha Shabeelaha Hoose.

Buundada Bariire waxaa qarax ku dumiyay ‘AS’ kaddib markii ay weerar ku qaadeen ciidamo katirsan Dowladda Federaalka, markii uu cariiri galay isu socodka labada dhinac ee buundadaas waxaa korodhay halista laga muujinayo isticmaalkeeda.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Trump oo Ukraine u sheegay in Ruushka uu qaadan doonno qayb kamid ah dhulka uu ka qabsaday

Read Next

Abaarta Gobolka Awdal oo sababtay in qoysas cusub barakacaan