Dagaal ka socda magaalada Beledxaawo

Dagaal ayaa dib uga qarxay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay isku hor fadhiyeen ciidamo ka tirsan Dowladda iyo kuwa Maamulka Jubbaland.

Dadka deegaanka ayaa Mustaqbal Media u xaqiijiyay in dagaalka uu si gaar ah uga socdo xerada UK oo fariisin ay ku leeyihiin Saraakiisha uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ee ka tirsan Dowladda Federaalka.

Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada ayaa sheegaya in xaalad dagaal ay ka taagan tahay, halkaasi isla markaasna rasaas la maqlayo.

Khasaare ayaa ka dhashay dagaalka maanta, iyada oo weli aan la xaqiijin inta uu la eg yahay. Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalamaya.

Maamulka Jubbaland ayaa maalmihi la soo dhaafay ciidan dheeraad ah geysay Beledxaawo, iyaga oo sheegay in ay xoojinayaan Amniga magaaladaasi.

Cabdirashiid Janan oo ah mas’uulka ugu sarreeya ciidanka ku sugan xerada UK ayaa hore u sheegay in Maamulka Jubbaland weerar ku yahay magaalada Beledxaawo, tillaabadaasina aan la aqbali karin.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Faahfaahino ka soo baxaya dagaal ka socda deegaannada Sabiib iyo Caanoole

Read Next

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalka Beledxaawo