Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalka Beledxaawo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaasi oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War-saxaafadeed ka soo baxaya Wasaaradda Amniga gudaha Soomaaliya ayaa lagu eedeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe inuu amray dagaal lagu qaaday xero ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidanka amniga ee Dowladda Federaalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in lala xisaabtami doono dadkii ku lugta lahaa dagaalka ciidamada Jubbaland ku qaadeen Xerada UK oo saldhig u ah ciidamada Federaalka ee uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan.

“Weerarkaan wuxuu sababay in naftooda ay si mcino darro ah ku waayaan muwadiniin Soomaaliyeed, Waxaan ugu baaqaynaa Shacabka reer Jubaland gaar ahaan reer Gedo in ay meel uga soo wada jeestan kana digtoonaadaan falalka Axmed Madoobe oo isku dayaya in uu balaariyo Danbiyada uu faraha kula jiro” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS.

Qoraalka oo sii socda ayaa lagu yiri “Wasaaradda Amniga iyada oo kaashanaysa Hay’adaha Sharciga waxeey la socotaa cidkasta oo ku lug yeelata danbiyada oo ku galayo magaca Shacaba Jubaland Eedaysanuhu iyada oo la diwaangaliyay shaqsiyaad kale oo qayb ka ah daadinta Dhiigga Muwaadininta iyo ku xadgudubka xuquugdooda”

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay magaalada Beledxaawo, iyadoo weli xaalad dagaal ka taagan tahay magaalada.

May be an illustration of text

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Dagaal ka socda magaalada Beledxaawo

Read Next

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay tillaabada Faransiiska ku aqoonsayo Falastiin