Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Danjiraha Jaamacadda Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Cabdalla Cuteybi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda xiriirka dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga ee Soomaaliya kala dhaxaysa waddamada ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Danjiraha la wadaagay guulaha ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dib-u-dhiska dhaqaalaha, horumarinta siyaasadda iyo xasillinta amniga dalka.

Danjire Cabdalla Cuteybi, dhankiisa, wuxuu sheegay in wafdi heer sare ah oo ka socda Jaamacadda Carabta ay dhowaan booqan doonaan Soomaaliya, si ay uga fuliyaan mashaariic horumarineed.

Danjiraha ayaa sidoo kale muujiyay sida Soomaaliya ay door muuqda uga ciyaarayso horumarinta iskaashiga wadamada xubnaha ka ah ururkaasi.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in ay ku xoojiso xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhexeeya ururada iyo dowladaha gobolka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Suuriya iyo Israa’iil oo xabbad joojin gaarey

Read Next

Markabka Sea World oo maalintii labaad lagu heysto xeebaha Puntland