Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Ugu yaraan 321 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen, halka in ka badan 436 kalena ay ku dhaawacmeen dagaallo u dhexeeyay beelaha reer miyiga ah ee Bedouin-ka iyo kooxaha hubeysan ee beesha Duruushta ee gobolka Suweyda.
Dagaalladan ayaa waxaa sidoo kale ku jiray gacmo shisheeye iyo taageero ay dhinacyada kala helayeen. Ciidamada dowladda Suuriya ayaa markaas ku biiray xaaladda si ay u kala dhexgalaan.
Wararka ayaa sheegaya in weerarro ay qaadeen kooxaha hubeysan ee Duruushta lagu dilay tiro askar ah oo ka tirsan ciidamada dowladda.
Dhinaca kale, Israel oo sheegtay inay difaacayso beesha Duruushta, ayaa duqeymo cirka ah ku qaaday gudaha Suuriya.
Weeraradaas ayaa Arbacadii lala beegsaday xarumo ay ku jiraan taliska guud ee milateriga Suuriya iyo qasriga madaxtooyada ee caasimadda Dimishiq.
Madaxtooyada Suuriya ayaa ku dhawaaqday heshiis cusub oo lagu gaaray dadaal ay hormuud u ahaayeen dalal Carbeed iyo dowladda Maraykanka.
Heshiiskan ayaa dhigaya in ciidamada dowladda laga saaro gobolka Suweyda si loo dejiyo xiisadda.
Wali lama xaqiijin in heshiiskan cusub uu hirgeli doono ama uu muddo dheer sii jiri doono, maadaama xabbad-joojin horey loo ay burburtay saacado gudahood.
Mustaqbal
