Magaalada Muqdisho waxaa looga dhawaaqay Xisbi cusub kaas oo ka mid noqonaya Xisbiyada dalka ka jira, ee u diiwaan gashan Guddiga doorashooyinka Qaranka.
Xisbigaan cusub oo loogu magac daray XAQSOOR ayaa hoggaankiisa waxa ay sheegeen in uu u taagan yahay sidii loo tirtir lahaa caddaalad darrada, lana helo bulsho siman, midnimo qaran iyo dowladnimo hufan oo uu xaqsoorku ka dhaxeeyo.
Munaasabadda lagu shaaciyanayay Xisbigaan oo ka dhacday Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho, ayaa madaxda sare ee Xisbiga waxa ay soo bandhigeen u jeedka loo aasaasay Xisbiga Xaqsoor, iyaga oo ku sheegay in uu yahay dhaqdhaqaaq waddani ah oo ay ku midoobeen muwaaddiniin, iyo aqoonyahaanno Soomaaliyeed.

Waxa ay sheegeen in Xisbigaan uu u taagan yahay astaanta nabadda, caddaaladda iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo hiigsanaya taabagalinta himilo Soomaaliyeed oo ku dhisan nabad waarta, dowladnimo hufan, iyo horumar bulsho oo waara.
Axdiga siyaasadeed ee Xisbiga Xaqsoor oo ka kooban afar qodob ayaa kala ah; La dagaallanka musuqmaasuqa, Sugidda iyo baahinta caddaaladda, Horumarinta bulshada Soomaaliyeed, iyo Ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo daryeelkooda.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Xaqsoor Cabdixakiim Cige oo ka hadlay sidii loo aasaasay Xisbiga iyo shaqooyinka uu qabanaya Xisbiga ayaa yiri, “Muddo badan ayaan ku fakarannay sidii loo aasaasi lahaa xisbi ka turjumaya aragtida iyo rabitaanka bulshada Soomaaliyeed. Haddaba, Xisbiga Xaqsoor waa mid si gaar ah xooggiisu uga kooban yahay dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo ah lafdhabarta mustaqbalka dalka.”

Xubnaha Xisbiga oo guddoomiyaha guud ee Xisbiga u doortay Cabdiraxmaan Yuusuf Caynte oo ahaa Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay xafladda ayaa ka hadlay; mabaadii’da Xisbiga Xaqsoor, baaqa Xisbiga, iyo sababaha dhaliyey in la unko xisbi awood leh oo ka shaqeeya sarraysiinta caddaaladda.
“Xisbiga Xaqsoor waxaa soo dhisay hoggaamiyeyaal dhegahoodu furan yihiin, balse aysan dhuuntoodu furnayn. Hoggaamiyeyaal garanaya micnaha xaqsoor iyo caddaalad bulsho. Caddaalad darradu waa sababta keentay tuugsiga, eexda, kala qoqobnaanta bulshada, iyo sinnaan la’aanta,” sida uu yiri guddoomiyaha Xisbiga Xaqsoor, Cabdiraxmaan Yuusuf Caynte.

Qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Bulshada qeybahayda kala duwan, iyo madax horay xilal ugu soo qabatay dalka ayaa bogaadiyay aasaasayaasha Xisbigaan, iyaga oo sheegay in ay ka filanayaan in uu waddo cusub u furo bulshada Soomaaliya, iyaga oo kula taliyay in ay sii wadaan geedi socodka dowladnimada.
Mustaqbal
