Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Xiisad ayaa weli ka taagan gudaha magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag, halkaasi ay isku hor fadhiyaan ciidanka Puntland iyo kuwa deegaanka ee Maakhir.
Dagaal ayaa subixii hore ee maanta ka dhacay gudaha magaalada Dhahar, kaasi oo qasbay in ay dad badan ka barakacaan gudaha Magaalada.
Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka maanta ilaa shalay ka dhacayay gudaha magaalada Dhahar, iyada oo weli xaaladda aysan daganeyn.
Puntland ayaa ciidamo dheeraad ah geysay gudaha Dhahar, tillaabadaasi oo muujineysa in dhinacyada helayaan gurmad.
Dowladda Federaalka ayaa hore ugu baaqday in lagu dadaalo nabadda deegaanka, lagana fogaado hurin colaadeed.
Dhaqdhaaqyada ayaa ku soo aadaya xilli magaalada Laascaanood ay ka socdaan kulamo looga hadlayo dhismaha maamulka SSC Khaatumo.
Puntland iyo Somaliland ayaa diidan dhismaha maamulka SSC Khaatumo, halka Dowladda Federaalka ay taageersan tahay in shacabka deegaannadaasi ay aayahooda ka taliyaan.
Mustaqbal
