Somaliland oo eedeyn u jeedisay Dowladda Federaalka

Maamulka Soomaaliland ayaa si kulul u cambaareeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku eedeeyay inay si toos ah faro-gelin ugu hayso gudaha deegaannada bariga gobolka Sool, halkaas oo uu ka socdo shir lagu dhisayo maamul-goboleedka cusub ee SSC-Khaatumo.

Qoraal kasoo baxay shir lagu soo gabagabeeyay magaalada Hargeysa oo ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadda, ayaa si cad loogu sheegay in Dowladda Federaalka ay wado “duullaan siyaasadeed” oo ka dhan ah Somaliland.

“Shirka Laascaanood wuxuu halis ku yahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika, wuxuuna saldhig u noqon karaa qalalaase hor leh,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Hargeysa.

Soomaaliland waxay sheegtay in deegaanka Sool uu ka tirsan yahay dhulkeeda, isla markaana aysan aqbali doonin in Dowladda Federaalka ay dhex gasho arrimaha gudaha ee ka jira deegaannadaasi.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo magaalada Laascaanood uu ka socdo shir lagu dhamaystirayo dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, kaas oo uu taageero ka helaya dowladda Federaalka Soomaaliya, inkasta oo aysan si rasmi ah uga hadlin arrintaas.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

RW Xamsa oo wax ka yar 30 saac la kulmay saddex Safiir oo Muqdisho ku sugan

Read Next

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si adag uga hadlay dagaalka ka dhacay Dhahar