Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Wasiiradda Gaashaandhiga dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa kala saxiixday heshiis dhinaca difaaca iyo amniga la xiriira.
Heshiiskan oo lagu saxiixay caasimadda Jabuuti ayaa waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Ahmed Moallin Fiqi, iyo dhigiisa Jabbuuti, Cali Hassan Bahdoon, iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil sare oo ka kala socday labada dowladood iyo ciidamada milateriga.
Heshiiska ayaa qeexaya in la kordhiyo joogitaanka ciidanka Jabbuuti ee gudaha Soomaaliya, si kor loogu qaado dagaalka AS.
Madaxda labada dal oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in ay si wadajir ah uga wada shaqeyn doonaan ilaalinta nabadda, xasilloonida, iyo horumarka gobolka Geeska Afrika.
Ciidanka Jabbuuti ayaa ku sugan qeybo kamid ah Koofurta Soomaaliya sida gobolka Hiiraan.
Degmooyin Moqokori iyo Maxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhawaan la wareegay AS, iyada oo ay socdaan dadaallo dib loogu abaabulayo Ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka.
Mustaqbal
