Xildhibaannada xubnaha ka ah Madasha Samatabixinta ee fadhiyada Golaha Shacabka ka maqan ayaa maanta magacyadooda laga dhex sheegay fadhiga golahaas maadaama guddoonku uu horay u sheegay in uu shaacin doonno magacyada mudaneyaasha bilaa fasaxa maqan.
Habdhowraha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa Xildhibaannadii joogay fadhiga maanta kahor aqriyay Magacyada mudaneyaasha maqan.
Xubnaha la sheegay ee Golaha Samatabixinta & Mucaaradka katirsan waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Cabdulqaadir Cali Cosoble, Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare), Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Nuur Jiley & kuwo kale.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Xildhibaannada bilaa fasaxa maqan ugu baaqay in ay fadhiga soo xaadiraan si ay u gutaan waajibka saaran.
Todobaadkii hore waxa uu fadhiga Golaha Shacabka Baarlamaanka muddo labo jeer ah u baaqday Kooram la’aan maadaama uu ku furmayo 139-Xildhibaan sida uu dhigayo xeer-hoosaadka uu ku shaqeeyo.
Mustaqbal
