Muddo sharciyeedka Xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo maanta ku siman
Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa billaabay olole ama petition uu ku doonayo in Ciidanka Kenya sida ugu dhaqsiyaha badan looga saaro Soomaaliya.
Xildhibaankan oo ka mid ah kuwa Somalida Kenya laguna magacaabo Cumar Mucallim,ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya aysan wax xal ah u ahayn Kenya.
Waxaa uu sheegay in 7 Snao oo ay ka howlgalayaan Soomaaliya ay sii xumeysay Amniga Kenya islamarkaana dhibaatada amni darrada ay sare u kacday.
Xildhibaannada kale ayaa waxaa uu ka codsaday in ay ku garabsiiyaan codsiga uu ku doodanyo in soo jeedintiisa ay hirgasho.
Waxaa uu sidoo kale walaac ka muujiyay ku biiridda AMISOM ee Ciidanka Kenya oo uu sheegay in ay caqabad ku noqotay Ciidamada Kenya maaddaama haddii sidii ay ku soo galeen ahaan lahaayeen Ciidanka la bed beddeli lahaa.
Booliska Kenya warbixin ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in 155 weerar oo argagixisanimo ay ka dhaceen Kenya tan iyo sanadkii 2012kii.
Waxaa uu Xildhibaan Cumar sheegay in weerarrada Al-shabaab ee dhacay wixii ka dambeeyay 2011kii ay yihiin kuwa ugu khasaaraha badan taariikhda Kenya,waxaana uu soo qaatay weerarradii Westage,Mpakatoni,Jaamacadda Gaarisa,weerarrada joogtada ah ee Saldhigyada Booliska iyo qaraxyada dhulka la geliyo.
Ololahan ayuu billaabay 25kii Bishii la soo dhaafay,waxaana uu sheegay in uu baarlamaanka horgaynayo marka uu dib u furmo.
Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga 4,000 oo Askari kuwaas oo howlgalka AMISOM goor dambe dib uga biiray hayeeshee markii hore Soomaaliya ku soo galay in ay Al-shabaab ka saarayaan sohdinta Kenya iyo Soomaaliya.
