Xildhibaan Fardowsa Cigaal oo iska casishay xubinnimada JSP

Wasiirkii hore ee Duullista hawada Soomaaliya, Xildhibaan Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa sheegtay in ay iska casishay xubinnimada Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka JSP sida ay ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook.

Fardowsa ayaa ahayd Xoghayaha Batroolka iyo Macdanta ee Xisbiga JSP, ma sheegin sababta keentay in ay iska casisho xilkaan iyo xubinnimada Xisbigaan iyada oo ku biiraysa Liiska xubnaha isaga tagay Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka.

“Aniga oo ah Xildhiban Fardowsa Osman Egal waxaan Iska casilay Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo aan ka ahaa Xoghayah Batroolka iyo Macdanta” Sidaasi waxaa tiri Fardowsa Cismaan Cigaal oo qoraalkaan soo dhigtay barteeda Facebook.

Ma jiro war kasoo baxay Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka JSP oo looga hadlay iscasilaadda Xildhibaan Fardowsa Cismaan Cigaal oo horay usoo noqotay Wasiirka Wasaaradda Duullista iyo Hawada Soomaaliya.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Sooyaalka Sheekh Xasan Barsane iyo Halgankii Iskacaabinta Talyaaniga iyo Xabashida

Read Next

Soomaaliya oo billawday tijaabo cusub oo u fududeynaya sida loo maareeyo lacagaha tikidhada diyaaradaha.