Xildh Faaisa Jeyte: “Waddamada EVC la Canshuuro ee Wasiirka Tusaalaha usoo qaatay Lacagahooda Kaashka ah ayay Isticmaalaan”.

Xildhibaan Faaisa Jeyte oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kahor hadashay Golahaas ayaa diidmo adag kala hortagtay go’aanka Wasaaradda Maaliyadda ay ku canshuureyso Lacgaha Telefoonnada la isugu diro.

Faaisa ayaa sheegtay in Soo jeedinta Wasiirka lasoo mariyo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka maadaama uu yahay Hay’adda Xeer Dejinta si buuxdana Wakiil uga yahay Shacabka Soomaaliyeed sida ay hadalka u dhigay.

Waxa ay kala fogeysay Canshuurta Soomaaliya iyo Dalalka Deriska ah ee uu Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Biixi Iimaan Cige Tusaale usoo qaatay iyada oo sheegtay in Dalalkaas ay isitcmaalaan Lacagahooda Kaashka ah.

“Waddamada EVC la Canshuuro uu Wasiirka Tusaalaha usoo qaatay Lacagahooda Kaashka ah ayay Isticmaalaan, Dadkooda Masaakiinta ah lacagahooda Kaashka ah ayay Isticmaalaan, Waxa la Canshuuro waa Dadka lacagaha haysta ee isticmaala” Xildh Faaisa Jeyte.

Waa ay sii hadashay waxaana ay tiri: “Yaa xaq u siiyay in uu keliya Canshuuro Dadka Masaakiinta ah ee Degen Gobolka Banaadir ee 3 Milyan ah? Weligiis Wasiirka Suuqa Bakaaraha ma tagay, Kan Xamarweyne ma tagay, Suuqa Xoolaha ma tagay, Ceelasha ma tagay, kan Madiina ma tagay, Suuq Bacaad ma tagay?”.

Xildhibaan Faaisa Jeyte ayaa tusaale usoo qaadatay in arrintaan ay dhibaato ku tahay Dadka ku nool derajada Hoose sida Dadka xoog-maalka ah oo lacago yar maalintii ku helo xirfaddooda shaqo taasina ay dhibaato adag ku tahay.

Qaadista Canshuurta lacagaha la isugu diro Telefoonnada ayay kahor-marisay Xildhibaan Faaisa Jeyte in marka hore la helo Lacag Kaash ah oo buuxin kara dhibaatooyinka kala duwan ee dhanka isticmaalka Lacagta.

“Iyada oo aan Lacag Kaash ah la helin ayaa EVC la Canshuuraa waa riyo, Haddii la Canshuuraayo EVC waa in lasoo mariyaa Baarlamaanka oo kaddib saxiixaa Madaxweynaha laguna soosaaraa Faafinta rasmiga ah, Nin Gaari gacanka riixaya ee $3 soo helayo marka la dhaho 10 ayaa kaa go’ayso oo marka uu wax iibsan rabo la dhaho 10 kale ayaa kaa go’ayso maxaa u haraayo? Waa in uu Dhinto oo la iska hor yimaado” Xildhibaan Faaisa Jeyte.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Maxaa Sababa weerarrada ka dhex dhaca gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar?

Read Next

Muqdisho oo lagu soo bandhigay guulihii laga gaaray hannaanka maaliyadda dalka 10-kii sano ee la soo dhaafay