Iiraan oo furista Hormuz shuruud uga dhigtay in Maraykanka uu ka baxo Bariga Dhexe
Wasaaradda Caafimaadka Maamulka ka jira Magaalada Gaza ayaa sheegtay in xaaladda go’doonka ah ee waqtiga dheer halkaas ka jirta in ay sababtay cunno la’aan iyada oo hadda laga digayo dhibaato nololeed oo ay wajihi karaan in ka badan 1.4 Milyan oo qof.
Wasaaraddu waxa ay tilmaamay in gargaar kooban la siiyo Dadkaan oo raashinkii iyo kaalmadii dibadda uga imaan jirtay ay is hor istaageen Ciidanka Israa’iil oo sidoo kale duqaymo iyo weerarro kala duwan ka fuliya Magaalada Gaza.
Goobaha Dadka lagu quudiyo ee sida joogta ah wax loogu kariyo Barakacayaasha Falastiin ayaa la dhimay cunnadii la bixin jiray si dadka loo gaarsiiyo oo looga fogaado xaalad cunno la’aan guud ah oo ka daran tan hadda jirta sida warka loo dhigay.
Ciidanka Israa’iil ayaa hor taagan in gargaarka bani aadamnimo ee Shacabka Falastiin loo gudbiyo iyada oo Xukuumadda Netanyahu ay ku doodday in Raashinkaas uu u gudbayo Xamaas iyo dhaqdhaqaaqyada kale ee iska caabinta kula jira.
Dalal badan oo xubno ka ah Qaramada Midoobay ayaa ka digay dhibaatadaan xaaladdaan cunno la’aan ee go’doominta Israa’iil ka dhalatay, waxa ay soo jeediyeen in tallaabo sharci lagu jebiyo xeendaabkaas xadgudubka ah ee halista ku ah nolosha Dad badan.
Mustaqbal
