Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan
Xiisadda gobolka Bariga Dhexe ayaa gaartay meel aad u khatar ah ka dib markii kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ay sheegteen inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen laba markab oo shidaal oo laga leeyahay dalka Sacuudiga oo marayay Badda Cas.
Mid ka mid ah maraakiibtaas oo lagu magacaabo Encelia ayaa la xaqiijiyay inuu dab ka kacay ka dib markii lagu dhuftay gantaal, inkastoo shaqaalihii saarnaa ay badbaadeen.
Dhanka kale, dowladda Mareykanka ayaa habeenkii 12-aad oo xiriir ah duqeymo culus ka fulisay gudaha dalka Iiraan, iyadoo beegsatay goobaha lagu kaydiyo gantaallada iyo diyaaradaha drones-ka, waxaana duqeymahaas ku dhintay ugu yaraan laba qof.
Iiraan ayaa ku dhawaaqday inuu gabi ahaanba xiran yahay marinka caalamiga ah ee Hormus, iyadoo Miinooyin badda lagu aasay ay sababaan gubashada Markab.
Madaxweyne Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu burburin doono buundooyinka iyo xarumaha korontada ee Iiraan haddii ay sii socdaan weerarada ka dhanka ah maraakiibta, halka wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan uu isna ballanqaaday inay bixin doonaan jawaab adag.
Mustaqbal
