Soomaaliya oo taageertay midnimada Yemen iyo amniga marin-biyoodka Gacanka Cadmeed
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooynka Madaxa Banaan Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa ka hadashay qorshaha ay ku wajahayaan doorashada Soomaaliya ee la filayo in ay dhacdo 2021-ka.
Waxa ay sheegtay in habka ama shuruucda lagu hagayo doorashooyinka ay heerar kala duwan ay soo mareen, kaliya waxa ay sugayaan ay tahay in la ansixiyo.
Xukuumadda ayay sheegtay in ay meelmarisay, waxa ay sugayaan ee u harsan shuruucdaan ayay sheegtay in ay yihiin Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xeer kusoo saaro.
Gudoomiye Xaliimo yarey ayaa sheegay in guddiga uusan shaqeyn karin la’aanta shuruucda, halka la’aanta guddigoodana aanu qabsoomi karin Doorashada, taasina ay muujineyso isku tiirsanaanta labadaan dhinac.
Waxa ay codasatay in Baarlamaanka uu dadajiyo sharciga Doorashada, si ay ugu dhaqaaqaan Doorashada, si ay usii helaan waqti dheer oo ay sameystaan waxyaabaha ay u baahan yihiin.
Guddiga Doorashooyinka qaranka ayaa aaminsan in ay qaban karaan Doorasho qof iyo codkii ah, ama doorasho ka duwan kuwii dalka horay ugu dhacay.
Dhowr jeer waxa ay guddiga dalbadeen in la dadajiyo shuruucda ay u baahan yihiin, si kahor 2021-ka ay u bilaabaan ol-olaha doorashada, waxaana la su’aal gelinayanaa doorasho dadweyne.
Xaliimo Yarey ayaa hadalkaan sheegtay xili ay maanta la hadleysay Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda.
