WhatsApp oo soo kordhinaysa in aad jadwal ku xiri karto fariimo aadan sii dirin

Shirkadda WhatsApp ayaa soo bandhigtay adeeg cusub oo ah in aad jadwal ku xiri kartid fariintaada aad qof kale u diraysid taasi oo meesha ka saaraysa in aad sii hormarisid fariimahaaga.

WhatsApp ayaa sheegtay qofka adeegsanaya adeeggaan uu 10 ilaa 14 daqiiqo kahor uu sii diri karo fariintaan isaga oo ku xiraya Jadwal oo marka waqtigaas la gaaro si otomaatik ah fariinta u diraya.

Waxa ay shirkaddu arrintaan ku sifaysay mid ay ku horumarinayso adeegyadeeda si ay u qanciso Macaamiisha adeegsata Aaladda WhatsApp oo kamid ah bahda Meta oo meelo kala duwan laga horumariyay.

Tartanka Shirkadaha ayaa dardar ku socday sanadihii lasoo dhaafay, arrintaan ayaa abuurtay loolan ku qasbay inay wax cusub soo kordhiyaan sidoo kalena wax ka baddel degdeg ah ku sameeyaan fiijarada qaar.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Taliyaha CXD oo Baydhabo ku shir guddoomiyay Shir looga hadlay Amniga Magaaladaas

Read Next

Ra’iisul wasaaraha Hindiya oo lala wadaagay farriin ka socota MW Xasan Sheekh