Maxay go’aan ku gaareen Hoggaamiye Aadan Madoobe iyo Saraakiisha Ciidanka Itoobiya?
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad ayaa kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, xilli ay magaalada New Delhi uu kaga qeybgalayo shirka Wasiirrada Ururka Iskaashiga Dalalka ku Teedsan Badweynta Hindiya.
Cali Balcad iyo Wasiiro kale oo wehliya ayaa Ra’iisul Wasaaraha Hindiya gaarsiiyey salaan ay ka sidaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada badda, ganacsiga iyo kobcinta xiriirka bulshooyinka labada waddan.
Sidoo kale, Soomaaliya ayaa muujisay danayn ay ku horumarinayso fursadaha waxbarasho iyo adeegyada caafimaad ee ay muwaadiniinteedu ka heli karaan Hindiya.
Soomaaliya iyo Hindiya ayaa leh xiriir soo jireen ah oo ku dhisan ganacsi iyo saaxiibtinimo.
Mustaqbal
