Maxay go’aan ku gaareen Hoggaamiye Aadan Madoobe iyo Saraakiisha Ciidanka Itoobiya?
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay Amniga Magaalada Baydhabo kaas oo ay ka qaybgaleen saraakiisha ciidanka Xoogga ee Magaaladaas ka howlgalla.
Taliye Ibraahim ayaa warbixinno la xiriira Amniga iyo dhaqdhaqaaqyada howlgallada amni ee ka socda Gobolka Baay gaar ahaan Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koofur Galbeed ka dhagaystay Saraakiishaan katirsan Ciidanka Xoogga Dalka.
Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa saraakiisha Ciidamada uu la kulmay kula dardaarmay adkaynta Amniga, Ka Feejignaanta weerarrada ku wajahan, Xoojinta wadashaqaynta ka dhexeysa iyo in ay u diyaargaroobaan howlgallada ka dhanka ah AS ee deegaannada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed gaar ahaan Gobolka Baay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe cusub oo ay ku dardargelineyso howlgallada ka dhanka ah AS ee Deegaannadda Maamulka Koofur Galbeed iyada oo xooggeeda isugu geysay sidii ay dib ugu qabsan lahayd deegaannadii laga qabsadsy Ciidamada Daraawiishta Maamulkaas.
Mustaqbal
