Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda Soomaaliya oo qaadacay doorashadii maanta ka dhacday Balcad.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad oo ka hadlay doorashada duqa magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku tilmaamay in ay meel ka dhac ku tahay heshiisyadii horay u gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka.

Qoraal uu Wasiir Balcad soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in nasiib darro wayn tahay xilligaan uu dalka isku diyaarinayo doorasho loo dhan yahay, uu madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ku mashquulsan yahay qabashada doorasha dadban oo uu xilligeedi dhamaaday.

Sidoo kale Cali Balcad ayaa ka dhawaajiyay in doorashada ka dhacday Balcad ay ka hor imaanayso heshiiskii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka, “Doorasho ku sheegta maanta lagu qabtay degmads Balcad waxay meel ka dhac ku tahay heshiisyadii  ay horay u gaareen GWQ iyo Shuruucdii ay ansixiyeen goloyaasha qaran.”

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay Madaxwayne Cali Guudlaawe in uu u diyaar garoowa doorasho oo uusan ku mashquulin doorasho xiligeedii dhamaatay abuuraysana qilaaf iyo iska hor imaad beelaha nabada ku wadanool.

Hadalka ka soo yeeray Cali Balcad oo hadda ku magacaaban Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa ku soo beegmaya xilli maanta magaalada Balcad ay ka dhacday doorashada guddoomiyaha degmada Balcad oo loo doortay Qaasim Furdug oo horay xilkaan u hayay.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Madaxweyne Xasan Shiikh oo u safray Dalka Masar.

Read Next

Kulamo ka socda gobollada Sool iyo Sanaag