Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi oo Magaalada Beijing kula kulmay dhiggiisa Shiinaha Admiral Dong Jun waxa ay uga wada hadleen iskaashiga labada dal iyo xoojinta xiriirka Wasaaradahaan.
Wasiir Axmed Fiqi ayaa sheegay in uu dhiggiisa Shiinaha uu faahfaahin ka siiyay isbaddelka dhinaca Amniga ee Soomaaliya, dedaallada kala duwan ee Dowladdu wado iyo kaalinta ay ka qaadanayaan Dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya.
Fiqi ayaa u mahadceliyay Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha oo garab istaag xooggan u muujisay Soomaaliya, waxaana uu rajeeyay in Mustaqbalka dhow cagaha la saarayo isbaddel ka dhasha howlgallada xooggan ciidamada Federaalka ay wadaan.
Wasiirka Gaashaandhigga Shiinaha Admiral Dong Jun ayaa sheegay in Dowladdiisa ay garab taagan tahay Soomaaliya, waxa uu bogaadiyay horumarka laga gaaray howlgallada ay wadaan ciidamada Dowladda Federaalka si loo xoojiyo xasiloonida sida uu hadalka u dhigay.
Shiinaha waxa uu kamid yahay Dalalka xiriirka faca wayn la wadaago Soomaaliya isla markaana ka gacansiiya arrimaha dhinaca Militariga, Bani aadamnimada & Siyaasadda, waxa ay Beijing sheegtay in ay garab taagan tahay dhiggeeda Muqdisho.
Mustaqbal
