Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga iyo Saraakiil la socota oo maalintii 2aad ku sugan Muqdisho

Wasiirka gashaandhiga Turkiga Hulusi Akar,Taliyaha Ciidamada Turkiga, Saraakiil sare oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Turkiga iyo Madaxa Hay’adda TIKA oo arbacadii yimid Muqdisho ayaa saacadihi tagay kulamo la lahaa madaxda dowladda federaalka ah.

Dadka ay la kulmeen waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda, iyada oo xalayna loo sameeyey casho sharaf soo dhoweyn ah.

Ujeedka safarkooda ayaa ah sidii dowlada Turkiga u sii wadi laheyd taageerada ay u fidiso Soomaaliya iyo inay u kuurgalaan siyaabaha ay ku sii hormarin karaan taageerada Ciidamada Qalabka sida ee dhinacyada tabarka iyo qalabeynta.

Dowlada Turkiga ayaa taageero siisa dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ayadoo Muqdisho ku leh xaro lagu tababaro ciidamada Soomaaliya.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Lataliyaha amniga ee madaxweyne Farmaajo: UNSOM Ha faragashan arrimaha gudaha ee Soomalaiya!

Read Next

Farmaajo’s Security Adviser warns UN on interfering Internal Affairs