Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Wasiirka Gaashaandhigga Mareykanka, Pete Hegseth ayaa wajahaya eedeymo hor leh kadib markii la shaaciyay inuu xog ku saabsan weerarro cirka ah oo ka dhacay Yemen bishii Maarso uu la wadaagay qoyskiisa iyo asxaab ku jira barnaamijka Signal.
Warbaahinta New York Times ayaa heshay xogta in qoraalka Wasiirka Gaashaandhiga uu la wadaagay koox ka koobneyd ilaa 13 qof, isaga oo sheegay in weeraro ay fulin doonaan.
Xogta ayaa tilmaameysa in Wasiirka bixiyay xog la xiriirta in Weerarka oo duqeymo ah lagu fulin doono diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo kuwa qumaatiga u kaca ee F-18.
Dadka xogta ay gaartay waxaa kamid ah Xaaskiisa Jennifer Hegseth, oo hore uga shaqeysay Warbaahinta Fox News iyo Walaalkiis Phil Hegseth, oo ka shaqeynayay Pentagon-ka isagoo u xil saarnaa xiriirka Waaxda Amniga Gudaha (DHS).
Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa ku adkeystay in xogta la wadaagay aysan aheyn mid si rasmi ah, balse khubaro badan ayaa ku dooday in sirtaasi ay dhib ku noqon laheyd hawlgalada ciidamada iyo ammaanka shaqaalaha Mareykanka.
Guddi hoosaadka Senate-ka ee arrimaha ciidamada ayaa dalbaday baaritaan buuxa oo ay fuliyaan kormeerayaasha madaxa bannaan ee Pentagon-ka.
Mustaqbal
