Wasiirka Caafimaadka oo dhagax dhigay Isbitaalka Forlanini/Lansaleti qeybtiisa gurmadka deg-deg ah

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad lagu dhagax dhigayo isbitaalka dadweynaha ee Forlanini/Lansaleti, qeybtiisa gurmadka deg-deg ah kaas oo lafilaayo in loo dhiso hab casri ah.

Munaasabadda dhagax dhigga ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar kamid ah masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan.

Wasiirka ayaa tilmaamay in aad loogu baahnaa isbitaalkaan dhagax dhiggiisa, isaga oo tilmaamay in uu qeyb weyn ka qaadan doono xaaladaha deg-deg ah, iyada oo tibaaxay in uu isbitaalka yeelan doona qeybaha kala duwan ee adeegyada guud.

“Baahida ugu badan ee maanta dalka iyo dadka qabaan waxa waaye in la helo Isbiltaallo (Emergency)- deg-deg ah, sidaas ay tahay na isbitaalka waxa uu u shaqeyn doonaa Isbitaal guud, waxa uu ywwlan doonaa qeybha kala duwan”, ayuu yiri, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr. Cali Xaaji.

Isbitaalkaan ayaa horay u haan jiray isitaalka daaweynta dhanka cudurrada dhimirka, iyada oo dib u dhis lagu sameynayaa kaddib burburkii gaaray.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

RW hore Shirdoon Saacid oo maalmo ka hor dhaliilay amniga dalka oo lagu qaabliya Villa Somalia

Read Next

Ciidamada Puntland oo hawlgal ka fuliyay Buuraha isku xira togaga Miraale iyo Moqor