Wasiirka Beeraha Somaliland oo ka hadlay Roob Dabeylo wato kuna wajahan Deegaanada Bari.

Axmed Muumin Seed Wasiirka Beeraha Maamulka Somaliland ayaa sheegay in Xog ay heleen Hay’adda Saadaalinta ay muujineyso Caqbida saameyn ka dhalan karta Roobab mahiigaan ah oo ku wajahan Deegaanada Qaar.

Bilaha October iyo November ayuu sheegay in dadka kunool Deegaanada dhaca Bariga ay la kulmayaan Roobab sida saadaashu ay sheegeyso.

Waxa uu usoo jeediyay in ay ugu faaiideystaan Si jeefigan, maadaama ay khatar ka dhalan karto roobka oo xiliyada qaar wato Dabeylo Xooggan sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Muumin Seed Wasiirka Beeraha Maamulka Somaliland ayaa tilmaamay in qaybo kamid ah Gobolka Sanaag Saacadihii lasoo dhaafay uu ka da’ay Roob Dabeyl wato, wixii Lasoo gudboonaadaye ay la wadaagaan Wasaaradda iyo Hay’adda Saadaasha.

Bishii May ee sanadkaan Deegaano dhowr ah oo hoos taga Maamulada Somaliland iyo Puntland waxaa ka da’ay Roobab Dabeylo watay oo khasaare gaarsiiyay dadka iyo duunyada.

Waxaana jiray Saadaalo kala duwan oo soo baxayay xiligaas, inkastoo Deegaanada qaar dadkii degenaa ay awoodi waayeen in ay ka baxaan deegaanadooda, dhimashane gaartay ehelkooda, sidoo kalena Xoolahooda ay ku waayeen.

Mustaqbal media

Read Previous

Kenya military gets nine aircraft

Read Next

Infogram: Kenya, Somalia, Ethiopia, Uganda – Disaster displacements figures