Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaarey dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa gaarey magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaasi oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxda dalkaasi.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Wasiirka halkaasi kulamo gaar gaar ah kulan yeelan doono mas’uuliyiin uu ugu horreeyo dhigiisa Masar, Badar Abdelatty.

“Wadahadallada ayaa ujeedadoodu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga taariikhiga ah iyo istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyadoo diiradda lagu saarayo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, oo ay ku jiraan amniga, ka-qeybgalka siyaasadda, waxbarashada, iyo horumarinta dhaqaalaha” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Masar ayaa saanadihii la soo dhaafay xooggeystay, waxaana labada dal ay hore u wada saxiixdeen heshiisyo la xiriira dhinaca Difaaca iyo horumarinta danaha guud.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dagaal weli ka socda magaalada Doolow iyo ciidamada Itoobiya oo la sheegay in ay qeyb ka yihiin

Read Next

Wafdi ka socda Soomaaliya oo la filayo in ay gaaraan dalka Itoobiya